Bq News 24
Home
Barlamaanka
About Us
Wararka
Barlamaanka

Madaxwaynaha Soomaaliya
 
Madaxwaynaha, Soomaaliya
Madaxwaynaha, Soomaaliya
Madaxwaynaha Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaa 13kii bisha laga sagootiyay magaalada Nairobi si uu ugu guuro dalka Soomaaliya.

Hase yeeshee, sagootiska madaxwaynaha, ayaa ku soo beegmay xilli uu isu qabanqaabiyay booqasho uu ku tagayo dalka Qadar si uu uga qaybgalo shir halkaasi ka dhacaya.

Madaxwaynaha, wuxuu ku dhawaaqay in uu tagayo Soomaaliya, markii uu sagootiyay madaxwaynaha Kenya, Mwai Kipaki, waxaana la filayay in uu ka dego magaalada Jowhar oo marka ay ugu yaraato oo tago garoonka diyaaradaha kadib isu qabanqaabiyo safarkiisa Qadar.

Waxaase dhacday in uu gabi ahaanba ka leexday Jowhar, oo iyadoo aan la ogayn uu ka degay Jabuuti.

Hadaba, sidee u aragtaa dhacdadaasi, maxayse kula tahay in ay keeni karto?