Bq News 24
Home
Barlamaanka
About Us
Wararka

Wararka

Wararka bishaan.

JUNE SPECIAL!

DAWLADDA KEENYA OO SOOMALIDA KUSOO DALLACATAY HAL BILYAN IYO 630 MALYAN

(Standard,Nairobi-June 20 ,2005)


Sida uu maanta qoray wargayska maalinlaha ah ee Afka Ingiriisla kusoo baxa oo la yiraahdo The Standard waxaa dawladda keenya soo saartay waxay ku tilmaantay kharajkii ku baxay Ergooyinkii Soomaalida kharajkaas oo aay ku sheegtay in uu dhan yahay hal bilyan oo Shilinka Keenyaanka ah waxaa waliba intaa u dheer 630 malyan oo ah kharajka ay soo dallacdeen hotelladii ergooyinku jiifeen .
Kharajkaas dawladda Keenya soo dallacatay waxaa kamid ah midka ku baxay ciidamada gaarka ahaa (elite guard ) oo ilaalinayey madaxweynaha ,Kookayaalkii iyo kuwii Jardiinooyinka ka shaqaynayey iyo tashiilaadkii loo sameeyey intii uu ku sugnaa Nairobi ,waxaa kale oo kamid ahaa kharajkaas ilaalinta amniga 260 xildhibaan oo uu ku jiro Raiisulwasaaruhu
Kaaliyaha Wasiirka Iskaashiga Keenya Mr. Joseph Nyagah wuxuu u sheegay Wargayska Standard in kharajku wali sii socdo sababtoo ah buu yiri wali waxaan ilaalinaynaa qoysaskii madaxweynaha iyo raiisulwasaaraha ,iyadoo Wuxuu Mr. Joseph Nyagah intaa raaciyey in dawladda Keenya bixisay 500 oo milyan oo Shilin ,iyadoo wali aan la bixin 630 malyan oo ah kharajkii hotelladu soo dallacdeen ,wuxuuna sheegay oo kale in xisaabto cirka isku shareeridoonto marka Ururada iyo hayadaha caalamiga ahi iyo Daladaha hoos yimaada IGAD aay iyaguna soo dallacdaan qaansheegatooyinkooad .
Waxaa Mr. Joseph Nyagah uu xusay in kharajka uu ku jiro gaarigii noociisu ahaa limousine oo loo iibiyey madaxweyne cabdullahi Yusuf .
Waxaa Wargayska Standarduu qoray inkasta oo Qoyskii Raíisulwasaaruhu aay ka guureen hoygoodii ku yiil Spring Valley wali waaa ilaalinayaa ,waxaana wali aan la faaruqin Qasriga Kitisuru o Madaxweynuhu degganaa .Hotellada soo dallacday Kharajka waxaaamid ah :SixEighty, Grand Regency, Hilton, Meridian and The Stanley iyo Serena Hoteloo aay ku jireen ergooyinkii ka qaybqaatay shirkii dibuheshiisiinta iyo Xildhibaanadii .
Hayadihii iyaguna soo dallacday qaansheegta waxaa kamid ahaa Gaadiidlayda iska lahaa gawaariad xildhibaanada iyo ergooyinka qaadayey
waxaana kharajkaasi ka soo bilaabanayaa bartamihii bisha Oktoobar oo shirka Dibuheshiisiintu uu ka bilowday Eldoret .
Mr. Nyagah wuxuu daafacay kharajka xaddhaafka ah oo Keenyaanku u hureen Soomaalida isaga oo sheegay in Keenya dan ugu jirto Somaaliya oo ku waarta nabadgalyo iyo xasiloonaan waxaana lagu wadaa in ilaa 30.000 oo Keenyaan ah oo isugu jira Macalimiin,kalkaaliyayaal caafimaad,Dhakhaatiir,Injineero iyo Shaqaale kale oo farsamoyaqaan ah kuwaa oo mushaarka aay qaataan dib ugu soo noqondoono dalka Keenya.
Niyagah wuxuu ugu baaqay oo kale ganacsatada dalka Keenya in aay ka Faaídaystaan maalgalinta lagu samaynayo dalka Soomaaliya iyo Suudaan oo dagaalku burburiyey

Maalinta Caruurta Afrika oo ku aadaneed 16 juun oo lagu qabtey degmada Jowhar

Bq-soft - Jowhar -Somalia - 18/06/05

Maalinta 16 Juun 2005 oo ah maalinta Caruurta Afrika ayaa waxa lagu qabtay xaruntii hore xiriirka shaqaalaha G/Sh/dhexe waxa kasoo qeyb galay masuuliyiinta Maamulka G/Sh/dhexe Hay'ada Unicef iyo dadweeyne tiradooda lagu qiyaasay kumaan kun oo buuxiyey dhamaan garoonka oo idil waxana lagu soo bandhigay riwaayad ka turjumeeysa baahida loo qabo waxbarashada iyo in loo baahan yahay kor u qaadid Caruurta aan waxba haaysan ee agoonta ah riwaayadaasi oo ay soo abaabuleen kooxda Iftin ee wasaaridii waxbarashada iyo Barbaarinta oo uu ka dhex muuqday Macalinka weeyn ee hoobalada Waaberi hadana la shaqeeya Kooxda Iftin (Axmed Cabdi Nuur oo loo yaqaan Macalin Maysar) oo runtii aad loogu wada maqsuuday fariintii ay u sideen bulshada Soomaaliyeed runtii waxay ahayd xaflad aad u weeyn oo laga soo shaqeeyey oo mahadeeda lahayd Hay'ada Unicef oo kaashanaysa nabadgalyada ka jirta Magaalada Jowhar.


Waxaa ka hadlay wakiilka Waxbarashada G/Sh/Dhexe Axmed Cabdi Maxamuud (Axmed Jiis) oo sheegay in la soo dhaweeyo maalinta 16 Juun oo ah maalinta Caruurta Afrika wuxuuna umahad celiyey hay'ada Unicef oo soo abaabushay xafladaan heerka sare ah, waxa uuna sheegay in aysan caruurta Afrika haysan waxbarasho iyo xanaano


Waxaa hadalkii sii qaatay Kusimaha Hay'ada Unicef Mr: Wells oo ah nin u DhaShay qaarada Afrika oo aad ugu dheeraaday ka hadlida Caruurta Afrika waxa uuna hadalkisa ku bilaabay Mudane iyo marwooyin dhamaan caruurta Afrika waan idiin salaamay, salaan ka dib mar hada laga joogo 10 sanadood ayaa ururka midowga Afrika waxa u ugartay ama u asteeyey maalin la xasuusto caruur markaasi la xasuuqay meel u dhow Johaanisbeeg oo la yiraahdo Suweeyto iyagoo banaanbax u sameeynaayey si ay u helaan xaqooda ay u leeyihiin waxbarasho haboon ayaa waxaa laayey Booliiska markaasi u shaqeeynaayey xukuumadii Midab takoorka

Markaasi maalintasi waa maalinta 16 Juun maalin gaar u ah dhalaanka afrika oo lagu xasuusta caruurta afrika, Soomaaliya xalaadeeda waa mid adag xaga caruurta waxaad arkaysaa 90% ayaan haaysan waxbarasho waxaad kaloo arkaysaa 10kii cunugba 3kamid ah waxaad arkaysaa ineey u dhintaan cuduro hadii lala tacaalo la badbaadin karay waxbarashaduna aad ayey u hooseysaa inkastoo uu Maamulka G/Sh/Dhexe dadaalay bulshadu ay dadaashay Unicef dadaashay.


Hadana 10kii cunugba 2 ayaa ka hesho waxbarasho saafi ah intaasi oo dhan 2% ayaa ka ah gabdho waxbartay waa arin argagax leh oo u baahan in wax laga qabto laga bilaabo qoysaska waalidka, maamulada hay'adaha, Bulshooyinka in lagu dadaalo sidii loo ilaalin lahaa xuquuqdooda wax baryo ah ma ahan waa wax ay xaq u leeyihiin in wax la baro talada reerka wax laga siiyo la daaweeyo waxaa ila haboon sidaan u taageeri lahayn Ubadkeena mar waliba Afrika waxaa loo arkaa wado Qatar ah oo naxdin leh oo nijab leh isla mar ahaantaasi Afrika waxay u muuqataa meel ay kusareeyso isku xernaanta qoyska iyo hal abuurkaba waxaa hadalkeeyga kusoo gaba gabaysnaynaa anigoo rajeeynaaya inaan gacnaha is qabsano bulsho weeyn maamul hay'ado ururada aan dowliga ahayn iyo kuwa caalamiga ah inaan gacnaha is qabsano sidii aan ubadkeena ugaarsiin lahayn mustaqbal tan ka wanaagsan oo hurumar leh.

Ugu danbeeyntii waxaa abaal marino la gudoonsiiyey tartamo kala duwan oo loo dhigay ardada dugsiyada